Addis Ababa (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Cali iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Addis Ababa ku kulmay Talaadadii, afar maalin ka hor kulan la filayo inay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Eritrea ku yeeshaan magaalada Al-Calamayn ee dalka Masar, kaas oo ku beegan shirka badhtamaha sanadka ee Midowga Afrika. Kulanka waxa uu ku soo beegmay xilli ay fallaagada Ethiopia ku fidday deegaanno ka mid ah gobollada Tigray iyo Cafar, dhanka kalana ay Soomaaliya wajahayso fallaago xooggan oo ka curatay maamulka Koofur Galbeed oo xad dheer la leh Ethiopia, ciidamadeeduna joogaan.
Diblomaasi xilkas ah oo codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa Dawan u xaqiijiyay in fikradda kulanka uu lahaa Ra’iisul Wasaare Abiy, ajendahuna uu ku koobnaa xaaladaha amni ee ka soo kordhay labada dal.
Maxay ka Nuugtaa, Maxayse ku Nuugtaa!
Ciidamada Ethiopia ee jooga Soomaaliya, oo isugu jira ciidamo ka mid ah howlgalka AUSSOM iyo kuwo ku jooga heshiis laba geesood ah, xooggooda waxay ku sugan yihiin maamullada Koofur Galbeed, Jubaland iyo Hirshabelle oo dhammaantood ku teedsan xadka galbeed ee Soomaaliya. Xiisadda hadda ka taagan Koofur Galbeed iyo gobolka Gedo ee Jubaland waxay Ethiopia ka dhigeysaa laacibka ugu weyn ee dhinac u ridi kara loollanka siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya.
Gacan ku heynta Koofur Galbeed iyo Gedo waa u muhiim xukunka Xasan Sheekh. Dhanka kale, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), madaxweynaha Jubaland ee aysan aqoonsaneyn Dowladda Federaalka, iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), oo hoggaaminaya jabhadda hubeysan, isla markaana aaminsan inuu isagu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Koofur Galbeed, halka Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) uu hadda yahay madaxweynaha maamulka, labaduba garabka Ethiopia ayaa u muhiim ah. Baydhabo, caasimadda Koofur Galbeed, waxay goob u noqotay dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo ciidamo taabacsan Laftagareen, oo ay ka mid yihiin kuwii dhacay 17-kii Agoosto iyo sidoo kale laba dagaal oo ka dhacay magaalada bishii September
Arrintaan waxaa dhinac yaalla dagaalka cusub ee jabhadda TPLF ka bilowday Tigray, kuna sii fidaya gobollada Cafar iyo Amxaara iyadoo ay garab socdaan kooxo hubeysan oo maxalli ah iyo maleeshiyaadka Fano, iyo kacdoonka Oromada ee hadda aasan. Labadaas ayaa Ethiopia geliyay hubanti la’aan, waxayna Abiy-gii badda u doobinaayay, biye-xireenka webiga Nile-na dhistay, ka dhigeen mid naf la caari ah. Jabhadda TPLF ayaa 20-kii September ku dhawaaqday isbaheysi ay la gashay lix kooxood oo kale oo hubeysan, kaas oo ujeedkiisu yahay in xukunka laga tuuro Abiy.
Sida ay Ethiopia aaminsan tahay, jabhadahan waxaa taageeraya Suudaan, Masar iyo Eritrea oo siyaasad ahaan is hayaan Abiy, iskana kaashanaya sidii ay xukunka uga tuuri lahaayeen. Go’doonkaan siyaasiga ah ee Ethiopia gashay wuxuu ka dhigay mid miciinsata cid walba oo xaaladdaan qaboojin karta, waana arrinta Xasan Sheekh, oo isna la daalaa dhacaya xaaladda dalkiisa, ka dhigtay mid u muhiim ah.