Qaahira (Dawan)- Guddiga Doorashooyinka Masar ayaa ku dhawaaqay in Cabdifataax Al-Sisi uu markii seddexaad ku guuleystay madaxtinimada dalkaas kadib markii uu helay 89.6% codadkii la dhiibtay.
Al-Sisi ayaa xilka hayn doona ilaa laga gaaro 2030-ka kadib markii mudda xileedka Madaxweynaha Masar laga dhigay 6 sano.
Murashaxiinta xilka Madaxweyne
Madaxtinimada Masar, waxaa isu soo taagay afar murashax oo kala ah: Madaxweynaha hadda Cabdifataax Al-Sisi, Guddoomiyaha Xisbiga Jamhuuriga Xaazm Cumar, Guddoomiyaha Xisbiga Wafd Cabdisanad Yamaama iyo Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Masar Fariid Zahraan.
El-sisi (68 jir) waxa uu ahaa Wasiirka Gaashaandhigga intii u dhaxaysay 2012 ilaa 2013 iyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Sahanka Milliteriga intii u dhaxaysay 2010 ilaa 2012.
Waxa uu iska casilay ciidamada qalabka sida sannadkii 2014-kii si uu ugu tartamo xilka madaxweynaha, isaga oo noqday madaxweynihii sideedaad ee Masar.
Mar labaad ayaa loo doortay Madaxweyne 2018-kii, hadana waa markii 3-aad uu ku guuleysto xilka ugu sarreya dalka Masar.
Sidoo kale, waxa uu ballan qaaday inuu wax ka qaban doono arrimaha dhaqaalaha iyo sicir bararka ka jira dalkaas.
Sidee loo kala helay codadka?
10-12-kii bishaan December waxaa dalka Masar ka dhacay doorashooyinka Madaxtinimo, iyada oo ay kormeerayeen 15,000 oo garsoorayaal ah, halka Masaarida dibadda ku nool ay ka codeeyeen 121 dal inta u dhaxeysay 1-dii illaa 3-dii bishaan. .
Wakaaladda Wararka Masar oo soo xiganaysa Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, ayaa sheegtay in 44 milyan oo qof ay codkooda dhiibteen iyada oo dadka xaq u leh in ay codeeyaan ay gaarayaan 67 milyan taas oo ka dhigan in heerka codeyntu gaartay 66%.
Madaxweynaha hadda talada haya Cabdifataax El-Sisi ayaa helay 39,702,451 cod taas oo ka dhigan 89.6% tirada guud ee codadka la dhiibtay.
Murashaaxa Xaazem Cumar ayaa helay 1,986,352 cod, taas oo u dhiganta 4.5 %.
Fariid Zahraan ayaa helay 1,776,952 cod oo uu dhiganta 4 %
Cabdisanad Yamaama oo kaalinta ugu hooseysa galay ayaa helay 822,606 cod, oo u dhiganta 1.9 % wadarta codadka saxda ah.
Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in Cabditafaax Al-Sisi noqon doono Madaxweynaha Masara ee lixda sano ee soo socota iyada oo mudda xileedka cusub u billaaban doono sanndka cusub.