Muqdisho (Dawan) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa shaacisay shalay xukun dil toogasho ah oo lagu ridday askari lagu magacaabo Nuur Cabdi Geeddi (Gaay Gaay), kaddib markii lagu helay inuu si ula kac ah u dilay saaxibkiis ay ku wada jireen shaqada, Xasan Yaasiin Cabdullaahi.
Sida ay sheegeen ilo ka tirsan garsoorka, falka dilka ah ayaa dhacay 21-kii December 2025, kaddib muran ka dhashay kaftan dhexmaray eedeysanaha iyo ninka dhintay, kuwaas oo ka tirsanaa isla safka iyo unugga ciidanka. ninka la dilay ayaa la sheegay inuu u geeriyooday rasaas kaga dhacday dhanka dhagta, taas oo ka timid qori noociisu ahaa AK-47.
Sida ay maxkamada sheegtay , Kiiskaan ayaa soo maray baaritaan dheer oo ay sameeyeen hay’adaha ku shaqada leh, waxaana ugu dambeyn Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada codsaday in dacwadda la qaado. Maxkamaddu waxay si rasmi ah u dhageysatay kiiska 12-kii February ee sanadkan, iyadoo la dhageystay dhinacyada dacwadda iyo caddeymaha la horkeenay.

.jpg&w=3840&q=75)

-1024x1024.jpg&w=3840&q=85)



