Muqdisho (Dawan)- Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in ciidamada qaranka ay dileen sarkaal sare oo Al-Shabaab ah. Wuxuu sheegay in sarkaalkaas uu ahaa madaxa hubka culus iyo farsamada dagaalka ee kooxda, uuna ku dhintay hawlgal todobaadkii hore ka dhacay gobolka Shabeellada Dhexe.
Fiqi ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay Muqdisho ku sheegay in sarkaalka la dilay uu yahay Saciid Axmed Sabriye, oo loo yaqaan "Gaagaale". Wuxuu ku tilmaamay amiir weyn oo ka mid ahaa raggii aasaasay kooxda, uuna hoggaaminayay qiyaastii 370 maleeshiyaad. Fiqi ayaa sheegay in Gaagaale lagu dilay agagaarka Jiira-Kuulow ee gobolka Shabeellada Dhexe. Wuxuu ku tilmaamay "nin khatar ah oo aad looga yaqaan gobollada dhexe."
Wasiirkii hore ayaa sheegay in Gaagaale uu ka mid ahaa 12 horjooge iyo in ka badan 285 dagaalyahan oo lagu dilay hawlgallo ciidamada qaranku ay todobaadyadii u dambeeyay ka fuliyeen gobollada Baay, Shabeellada Dhexe, Shabeellada Hoose iyo Hiiraan.