Muqdisho (Dawan) – Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta oo Isniin ah Saadaq Cumar Maxamed Xasan u magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga, isagoo beddelay Axmed Macallin Fiqi.
Wareegto uu akhriyay Afhayeenka Xukuumadda, Cabdinaasir Axmed Bashiir, ayaa lagu sheegay in Xamse uu magacaabista sameeyay kadib markii Fiqi uu "xilkaas banneeyay". Wareegtada kuma aysan sheegin sababta Fiqi xilka uga tagay.
Wareegtada ayaa sheegtay in Ra'iisul Wasaaraha uu go'aankan ku saleeyay qodobka 120-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, farqadiisa labaad iyo saddexaad, isla markaana uu tixgeliyay talada Madaxweynaha. Magacaabistu waxay dhaqan gashay isla maalintaas, wasiirka cusubna waxaa la faray inuu si degdeg ah ula wareego xilka.