Muqdisho (Dawan) – Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Soomaaliya ay qorshaynayso inay qorato in ka badan 20,000 oo askari, iyadoo isu diyaarinaysa inay amniga kala wareegto ciidamada nabad-ilaalinta Midowga Afrika. Howlgalka ciidamadaas ayaa la filayaa inuu dhammaado 2029.
Fiqi ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay Muqdisho ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed, rag iyo dumarba, inay ku biiraan ciidanka qaranka, ha ahaadeen saraakiil ama askar caadi ah. Wuxuu sheegay in qof kasta oo Soomaali ah oo wax bartay uu waajib ku yahay inuu ciidanka ku biiro.