Muqdisho (Dawan) – Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay hayso caddeymo muujinaya in Imaaraadka Carabta uu dalka ku leeyahay saldhigyo ciidan oo sharci-darro ah. Wuxuu Imaaraadka ku eedeeyay inuu ka shaqeynayo xasillooni-darro iyo kala-qaybinta Soomaaliya.
Fiqi ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho, isaga oo ka jawaabayay su’aal ku saabsan bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka, kaas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay inay xoogga saarto arrimaheeda gudaha.
“Imaaraadka caddeyn baan ka hayaa,” ayuu yiri Fiqi. “Dhammaan intaas oo daliil ah waan haynaa.”
Wasiirkii hore ayaa sheegay in wargeyska The New York Times uu hore uga warramay saldhigyadaas ciidan ee uu ku tilmaamay sharci-darrada. Wuxuu sheegay in saldhigyadaas uu ka mid yahay mid ku yaalla Berbera, halkaas oo uu sheegay inay Israa’iil joogto. Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada iyo siyaasiyiin uu ku tilmaamay “kuwa aan qiimaha lahayn” dhowrkii biloodba mar loo qaado Abu Dhabi. Wuxuu Imaaraadka ku eedeeyay inuu dhiirrigeliyay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland.