Muqdisho (Dawan)– Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka ku eedeeyay inay askarta ku dhiirrigelinayaan inay ka baxaan safafka hore ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo sheegay in dadka sidaas sameynaya ay u adeegayaan cadowga dalka.
Fiqi ayaa shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho ku sheegay in dad uu ku tilmaamay inay shisheeye u shaqeeyaan ama yihiin calooshood u shaqaystayaal ay maalmihii u dambeeyay ku baaqayeen in ciidamadu diidaan amarrada la siiyay, ka baxaan furimaha ay ku sugan yihiin ama ay gadoodaan.
“Ma jirto kala duwanaansho u dhexeysa farriimaha ay kooxahaasi dirayaan iyo kuwa uu cadowga Soomaaliya soo gudbinayo,” ayuu yiri Fiqi.
Wasiirkii hore ma uusan magacaabin dadka uu eedeymaha u jeediyay, balse wuxuu sheegay inay yihiin tiro yar oo ku sugan Muqdisho iyo meelo kale. Wuxuu ku eedeeyay inay doonayaan in ciidamadu ka soo baxaan furimaha dagaalka, si Al-Shabaab ay uga faa'iidaysato fursaddaas. Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah ciidamada ku sugnaa gobolka Hiiraan ay yimaadeen magaalada Beledweyne, balse ay dib ugu laabteen furimahoodii kaddib markii farriimo loo diray taliyayaashooda. Faahfaahin dheeraad ah kama uusan bixin arrintaas.