Muqdisho (Dawan)- Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee loo yaqaano ATMIS ayaa Ciidanka Soomaaliya ku wareejiyay maanta sugidda ammaanka Madaxtoyada Soomaaliya.
Wareejinta ay Ciidamada ATMIS sameeyeen ayaa calaamad muuqata u ah marxalladda cusub ee uu galay amniga guud ee dalka iyo amniga Madaxda Soomaaliyeed, kadib 16 sano oo ay ciidamo shisheeye sugayeen amniga Villa Somalia.
“Maanta, ATMIS waxay si rasmi ah ugu wareejisay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya amniga Madaxtooyada iyo Aqalka Baarlamaanka ee Muqdisho. Tillaabadan muhiimka ah waxay calaamad u tahay dib u billaabidda wejiga 2-aad ee bixitaanka ATMIS" ayaa lagu yiri qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya.
Xarumaha lagu wareejiyay Ciidanka Soomaaliya
200 oo askari oo u dhashay dalka Uganda ayaa maanta macasalaameeyay Villa Somalia, kuwaas oo qeyb ka ah qorshaha lagu doonayo in dhammaadka bishaan ay dalka uga baxaan ilaa 3,000 oo asgari.
Ciidamada Booliska Soomaaliya ee sida Miletariga u tababaran ayaa la wareegay amniga Madaxtooyada, xarunta Baarlmaanka iyo Wasaaradda Warfaafinta, iyada oo ilaa seddex asgari oo dhanka farsamada ka caawinaya ay soo joogi doonaan sida aan xog ku helnay.
ATMIS waxa ay sheegtay in wareejinta xarumaha dowladda ay udub dhaxaad u tahay geedi socodka kala guurka, iyada oo la fulinayo qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu ahaa 2710 kaas oo farayay in la dhimo joogitaanka Ciidamada Nabad Ilaalinta ilaa 3,000 marka la gaaro December 31.