Muqdisho (Dawan)- Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xilli dambe oo Jimcihii ah magaalada Muqdisho ku qabtay mooto laga soo buuxiyay madaafiic iyo walxo qarxa, iyadoo mas’uuliyiintu sheegeen in laga hortagay weerar ay qorsheynaysay kooxda Al-Shabaab.
Booliska ayaa sheegay in hawlgalku dhacay abaare 23:40 xilliga Soomaaliya, kaddib markii ay heleen xog sirdoon oo ay soo gudbiyeen dadka deggan caasimadda.
Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, ciidamada ayaa hawlgal ka sameeyay gudaha iyo hareeraha degmada Dayniile, halkaas oo ay ku qabteen mootada siday ugu yaraan shan xabbo oo madaafiic ah, kuwaas oo lagu dhex qariyay jawaanno khudaar ah.
Walxaha qarxa ayaa la sheegay in loo soo waday dhanka Muqdisho si loola beegsado dadka rayidka ah, loona khalkhal geliyo amniga caasimadda.


