Muqdisho (Dawan) — Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Faarax Nuux, ayaa sheegay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines dib loo hawlgelin doono bisha Diseembar ee sannadkan, sida lagu sheegay warbixin uu baahiyay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV).
Wasiirka ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu soo celinayo shirkadda diyaaradaha qaranka, isaga oo muujiyay rajada laga qabo in shirkaddu diyaar u noqoto dib-u-bilaabidda howlaheeda bisha soo socota. Waxa uu sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in Soomaaliya ay marto qiimeynta badqabka duulista hawada (Safety Audit), taas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo waaxda duulista dalka.