Muqdisho (Dawan) — Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa Isniintii xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashigooda istaraatiijiga ah, intii uu socday wareegga labaad ee wada-tashiyadooda siyaasadeed oo ka dhacay Addis Ababa, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya, Danjire Hadera Abera, ayaa adkeeyay sida ay dowladdiisu uga go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal. Waxa uu ku baaqay in Imaaraadku kordhiyo maalgashiga dhinacyada isgaarsiinta, bangiyada, beeraha, warshadaha, macdanta, tamarta, saadka, dalxiiska iyo tiknoolajiyadda. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ballaarinta fursadaha ay badeecadaha Itoobiya ku geli karaan suuqyada Imaaraadka.
Dhankiisa, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka, Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, ayaa muujiyay muhiimadda istaraatiijiga ah ee Itoobiya ku leedahay Geeska Afrika iyo guud ahaan gobolka.