Muqdisho (Dawan)— Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta ee UNICEF ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo bandhigay natiijooyinka Daraasadda Caalamiga ah ee Daahfurnaanta Miisaaniyadda 2025 (Open Budget Survey), oo lagu qiimeeyo habka ay dowladuhu u maamulaan maaliyadda dadweynaha.
Munaasabadda ayaa diiradda lagu saaray xoojinta isla xisaabtanka hay’adaha dowladda, hagaajinta maamulka maaliyadda iyo ballaarinta doorka muwaadiniinta ee go’aannada la xiriira isticmaalka hantida dadweynaha.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa sheegay in daraasaddan, oo la sameeyo labadii sanaba mar, lagu qiimeeyo saddex arrimood oo kala ah daahfurnaanta miisaaniyadda, ka qaybgalka dadweynaha iyo kormeerka miisaaniyadda qaranka. “Daraasaddani waa mid caalami ah oo lagu qiimeeyo heerka ay dowladuhu ka gaareen daahfurnaanta miisaaniyadda, ka qaybgalka dadweynaha iyo kormeerka miisaaniyadda qaranka. Qiimeyntan waxaa la sameeyaa labadii sanaba mar,” ayuu yiri Biixi Iimaan Cige.