Jabuuti (Dawan)- — Dowladda Jabuuti ayaa Isniintii daahfurtay mashruuca DJIRESA oo ku kacaya 35 milyan oo doollar, kaas oo lagu horumarinayo biyo-gaarsiinta miyiga iyo maareynta kheyraadka biyaha dhulka hoostiisa, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI).
Mashruuca oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunka ayaa la filayaa in ay si toos ah uga faa’iideystaan 127,000 oo qof oo ku nool miyiga, halka sidoo kale lagu xoojinayo adkeysiga ku dhowaad 167,000 oo qof ee la kulma saameynta isbeddelka cimilada.
Wasiirka Beeraha, Biyaha, Kalluumeysiga iyo Xoolaha Jabuuti, Radwan Abdillahi Bahdon, ayaa sheegay in helitaanka biyuhu uusan ku xirnaan karin goobta uu qofku ku nool yahay. Sida uu wasiirku sheegay, qof kasta oo reer Jabuuti ah waxaa sannadkii ku soo aadda 185 mitir kuyuubik (m³) oo biyo dib loo cusboonaysiin karo ah, taas oo aad uga hooseysa heerka lagu qeexo biyo-yaraanta ba’an oo ah 500 mitir kuyuubik. Sidoo kale, 47% oo keliya dadka ku nool miyiga ayaa hela adeegyada aasaasiga ah ee biyaha la cabbo.