Jabuuti (Dawan)- Jabuuti ayaa qorshaynaysa inay 104 xarumood oo dowladeed ku xirto internet xawaare sare leh ka hor dhammaadka sannadka 2026. Mashruucan oo uu taageerayo Bangiga Adduunka ayaa lagu casriyeynayaa adeegyada dadweynaha, gaar ahaan kuwa laga bixiyo iskuullada, isbitaallada iyo xafiisyada dowladda.
Farsamayaqaanno ayaa Axaddii fiilooyinka internet-ka ee Fiber-optic ku xiray Isbitaalka Peltier, oo ah xarunta caafimaad ee ugu weyn caasimadda Jabuuti, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti ee ADI. Wejigii tijaabada ee mashruuca ayaa lagu xiray 33 xarumood, halka adeeggan hore loo gaarsiiyay gobollada waqooyi iyo koonfurta dalka. Waxaa sidoo kale socda casriyeynta shabakadaha gudaha ee xarumaha kale.
Mashruuca waxaa maamula Xafiiska Maareynta Mashruuca Aasaaska Dijitaalka ah ee Jabuuti, oo hoos taga Wasiirka Isgaarsiinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Fog, Maxamed Cabdulqaadir Muuse Helem.