Muqdisho (Dawan)— Barnaamij ay Dowladda Canada taageerayso oo lagu horumarinayo fursadaha shaqo iyo ganacsi ee dhalinyarada Soomaaliya ayaa maanta oo Axaddi laga daahfuray Muqdisho, iyadoo 450 dhalinyaro ah la filayo inay ka faa’iideystaan tababbarro iyo taageero dhinaca xirfadaha iyo shaqo-raadinta ah. Barnaamijka oo loo yaqaan “Kobaca Cagaaran: Awood-siinta Dhallinyarada si ay u Dhisaan Mustaqbal Cagaaran” ayaa waxaa fulinaya SOS Children’s Villages in Somalia, iyadoo ay iska kaashanayaan Arkaan Leadership and Innovation Hub, sida ay sheegeen qabanqaabiyeyaasha.
Barnaamijku wuxuu dhalinyarada siin doonaa tababbarro ku saabsan xirfadaha aasaasiga ah ee nolosha, ganacsiga, xirfadaha shaqo-helidda, hagidda xirfadda iyo taageerada horumarinta ganacsiga, iyadoo haweenku ay ka noqonayaan 60% ka qaybgalayaasha. Barnaamijka waxaa taageeraya Dowladda Canada iyada oo loo marayo Global Affairs Canada, waxaana laga fulinayaa Soomaaliya, Rwanda iyo Itoobiya.
Soomaaliya gudaheeda, barnaamijka guud ayaa la filayaa inuu gaadho ilaa 6,000 oo dhalinyaro ah, waxaana laga fulin doonaa Muqdisho, Balcad iyo Baydhabo, sida ay sheegtay SOS Children’s Villages.
Daahir Cabdullaahi, oo ah Madaxa Isgaarsiinta iyo Dood-u-qareemidda ee SOS Children’s Villages ee Soomaaliya, ayaa sheegay in barnaamijku diiradda saari doono sidii dhalinyarada loo siin lahaa xirfado kor u qaadi kara fursadaha ay ku heli karaan shaqo.