Muqdisho (Dawan) – Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise ayaa Arbacadi si rasmi ah ula wareegay xilka Kaaliyaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), isaga oo xilka kala wareegay kaaliyihii hore, Sarreeye Gaas Madey Nuuray Sheekh Ufurow. Tani waxay noqonaysaa markii labaad ee uu Bariise qabto xilkan, kaddib markii uu hayey intii u dhexeysay 2019 iyo 2020.
Sarreeye Gaas Bariise ayaa xilkan loo magacaabay 25-kii Oktoobar 2026, wuxuuna dib ugu soo laabtay hoggaanka sare ee ciidanka isaga oo leh khibrad ka badan labaatan sano oo dhinacyada taliska, hawlgallada, siyaasadda difaaca iyo iskaashiga amniga gobolka ah.
Munaasabadda xil-wareejinta waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Guddiga Xil-wareejinta, Sarreeye Gaas Maxamuud Sheekh Cali (Dable Baylood), iyo saraakiil ka tirsan hoggaannada iyo talisyada Ciidanka Xoogga Dalka.
Guddoomiyaha Guddiga Xil-wareejinta ayaa bogaadiyey dadaalkii iyo shaqadii uu soo qabtay Sarreeye Gaas Madey Nuuray Sheekh Ufurow muddadii uu xilka hayey, isaga oo ku ammaanay gudashada waajibaadkiisa. Sidoo kale, wuxuu hambalyo u diray kaaliyaha cusub, isaga oo u rajeeyey guul iyo inuu si hufan u guto mas’uuliyadda loo igmaday.
Intii uu xilkan hayey muddadii u dhexeysay 2019 iyo 2020, Sarreeye Gaas Bariise wuxuu hoggaaminayey dib-u-habeyn lagu sameeyey qaab-dhismeedka taliska, tababarka, barnaamijyada dagaalka iyo kobcinta awoodda hawlgaleed ee ciidanka.
Ka hor magacaabistiisa cusub, wuxuu ahaa Taliyaha Xarunta Taliska Hawlgallada Wadajirka ah ee Muqdisho, oo isku dubbaridda hawlgallada amni ee ay ka qaybqaataan hay’ado iyo dalal kala duwan oo ka hawlgala guud ahaan Soomaaliya.