Jabuuti (Dawan) – Jabuuti iyo Tanzania ayaa ka wada-hadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta tamarta la cusboonaysiin karo, gaar ahaan tamarta dabaysha iyo qorraxda, kaddib kulan shalay oo Arbaco ahayd dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, iyo wafdi ka kooban 17 xubnood oo ka socday Tanzania.
Wafdiga Tanzania ayaa booqasho shaqo ku jooga Jabuuti, taas oo soconaysa illaa 29 October, waxaana udub-dhexaad u ah u-guurka tamarta iyo maamulka arrimaha cimilada.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta tamarta dabaysha iyo qorraxda, iyo sidoo kale gaadiidka korontada ku shaqeeya. Labada dhinac ayaa sidoo kale falanqeeyay fursadaha iskaashi ee dhinacyadan iyo sidii ay isku weydaarsan lahaayeen khibradaha ay kala leeyihiin.
Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti ayaa ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga Koonfur-Koonfur, kaas oo ku dhisan is-weydaarsiga khibradaha iyo midnimada Afrika, si qaaraddu u gaarto isku-filnaansho dhanka tamarta ah. Waxa uu sidoo kale xusay himilada Jabuuti ee ah in u-guurka tamarta lagu saleeyo horumar waara iyo ilaalinta khayraadka dabiiciga ah.