Laascaanood (Dawan)- Caleema-saarkii dowlad-goboleedka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya ee ka dhacay Laascaanood kuma koobneyn xaflad caadi ah. Waxa uu isu beddelay dhoollatus siyaasadeed oo si cad oo u muuqday in dowladda federaalka ya ku heshay dhibco dheeraad ah, waxaana ka dhashay farriimo xooggan oo gudaha iyo dibadda ah.
1. Muhiimadda Goobta iyo Wakhtiga
Laascaanood, oo muddo dheer ku jirtay muran siyaasadeed iyo amni, ayaa noqotay xarun awood muujin. In xaflad heerkan ah lagu qabto halkaas waxay calaamad u ahayd in dowladda federaalku si buuxda u aqoonsatay maamulka cusub, isla markaana ay meesha ka saartay shaki kasta oo ku saabsan sharciyaddiisa.
2. Ka-Qeybgalka Dibloomaasiyiinta
Mid ka mid ah waxyaabihii xafladda si gaar ah u xoojiyay miisaankeeda ayaa ahaa joogitaanka safiirro iyo diblomaasiyiin shisheeye. Taas waxaa si cad looga akhrisan karay fariin ah in maamulka cusub uu muhiim u yahay jiritaanka Soomaaliyeed iyo midnimada dalka. Arrintan waxay niyad-jab ku noqotay dhinacyadii shaki ka muujinayay jiritaanka maamulka, iyada oo sidoo kale ahayd farriin looga jawaabayo xiisaddii ka dhalatay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.
3. Mucaaradka Looma Baahan
Inkasta oo ay joogeen madax sare oo federaal ah, haddana mucaaradka fadhigoodu yahay Muqdisho kama aysan soo qeyb galin xafladda, mana aysan soo hambalyeyn maamulka curdunka ah. Maqnaanshaha mucaaradku saamayn kuma yeelan munaasabadda, caleema-saarkana waxba iskama badalin, waxaana si habsami leh u dhacay dhamaan hawlaha, taas oo guul u ah Villa Somalia.







