Muqdisho (Dawan)- Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa 28 bishaan June ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Jawaari ayaa laba jeer oo kala duwan soo noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka, inkasta oo aysan u suurta gelin inuu dhamaysto muddadii labaad xilkiisa kadib markii ay isku dhaceen madaxweynihii xiligaas Farmaajo, waxa uuna kaalin wayn kasoo qaatay dib u dhiska dowladnimada iyo arrimaha dastuurka.
Maxaan ka naqaanaa Maxamed Sheekh Cusmaan ?
Maxamed Cismaan Jawaari waxa uu ku dhashay magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose sanadkii 1945-tii, inkasta uu qaybaha hore ee noloshiisa kusoo qaatay Degamada Buurhakaba ee Gobolka Bay.
Waxbarashada: Sharci iyo Af yaqaan
Dhanka Waxbarashada, Waxaa xusid mudan in marxuumku uu sanadkii 1964-tii shahaadada Shareecada Islaamka qaatay, isagoo sidoo kale ka baxay Mac-hadkii Macallimiinta 1967-kii, iyo kulliyadda Qaanuunka ee Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed sannadkii 1982-kii.
Waxa uu shahaadada Masterka ku qaatay Suugaanta , wuxuuna si fiican ugu hadli jiray shan luuqadood oo kala ah: Soomaali (May iyo Maxaatiri), Ingiriisi, Talyaani, Carabi iyo Afka Norway
Muddadii u dhaxaysay 2011-kii ilaa 2012-kii, waxa uu noqday Guddoomiyaha Guddiga Khubarada (Guddiga La-tashiga) ee ay ka shaqeynayay dib-u-eegista Qabyo-qoraalka Dastuurka Soomaaliya, waxeyna ku guuleysteen in ay diyaariyaan Dastuur kumeel gaar ah oo sugaya afti dadweyne.
Bishii Agoosto 2012, waxa uu ka mid noqday Golaha Shacabka, waxaana 28-kii Agoosto ee isla sanadkaas loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya
Guddoomiye Jawaari ayaa markii labaad loo doortay Guddoomiyaha Golaha shacabka 11-kii January ee 2017, inkasta uu xilka iska casilay kadib markii uu cadaadis kala kulmay madaxweynihii xilligaas Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Maxaa laga yiri geerida Jawaari?
Madaxda hadda joogta, kuwii hore iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa si isku mid ah uga tacsiyeyay geeridiisa, waxeyna isku raaaceen inuu qayb libaax leh ku lahaa dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ku tilmaamay Jawaari inuu ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska qaranka
“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehel iyo qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo muddo dheer u soo shaqeynayey qarankeenna, dhaxal wanaagsanna uga tagay, isagoo door muuqda ka soo qaatay dib u soo celinta dowladnimada Soomaaliya”. ayuu yiri, Madaxweyne Xasan.