Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in qaar ka mid ah mucaaradka ay wada-hadalladii siyaasadeed la yimaadeen aragtiyo ka hor imanaya xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadinka, gaar ahaan xaqa uu u leeyahay inuu wax doorto lana doorto.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay fulineyso waajibaadkeeda dastuuriga ah ee ku saabsan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan fursad ay ku doortaan hoggaankooda, iyaguna ugu tartamaan matalaadda shacabka.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, saddexdii maalmood ee la soo dhaafay Dowladda Federaalka waxay wada-hadallo la yeelatay qaar ka mid ah xubnaha mucaaradka. Dowladda ayaa sheegtay in wada-hadalladaas lagu arkay aragtiyo ay ku tilmaantay kuwo ka hor imanaya xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadinka, “uu u leeyahay inuu wax doorto lana doorto.”
Eedeynta dowladda ayaa timid xilli khilaafka siyaasadeed ee ku saabsan doorashooyinka uu sii xoogeysanayo. Dowladda Federaalka waxay ku doodeysaa in doorashada qof iyo cod ay tahay xuquuq dastuuri ah oo muwaadinku leeyahay, halka xubno ka tirsan mucaaradkuna ay walaac ka muujiyeen qaabka loo wajahayo doorashooyinka, kalsoonida hay’adaha doorashada iyo baahida loo qabo heshiis siyaasadeed oo ballaaran.


