Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah cambaareysay weerar ay geysteen dagaalamayaal looga shakisan yahay Al-Shabaab, kaas oo lagu dilay siddeed muwaadin oo Kenyan ah. Weerarka ayaa ka dhacay gobolka Mandheera ee waqooyi-bari Kenya, kuna dhow xuduudda Soomaaliya. Dowladda ayaa sidoo kale ku baaqday in si wadajir ah loola dagaallamo kooxaha argagixisada ah iyo cid kasta oo gabbaad siisa.
Laba Booliis ah , shan shaqaale dhisme iyo darawal ayaa Talaadadii lagu dilay waqooyi-bari Kenya, kaddib markii rag hubaysan ay gaadmo ku qaadeen gaari ay la socdeen. Weerarka ayaa ka dhacay waddada isku xirta Mandheera, Carabiya iyo Lafey, sida ay sheegeen Booliiska Kenya iyo sarkaal ka tirsan maamulka gobolka. Sarkaalka gobolka, John Odhiambo Otieno, ayaa sheegay in la rumaysan yahay in kooxihii weerarka geystay ay xuduudda uga soo gudbeen dhinaca Soomaaliya.
Dadka la weeraray ayaa ka mid ahaa koox ka kooban 15 qof oo magaalada Mandheera kaga ambabaxay laba gaari, kuna sii jeeday goob dhisme. Toddoba qof ayaa goobta ku dhintay, halka darawalkii gaariga uu markii dambe ku geeriyooday isbitaalka. Kooxihii weerarka geystay ayaa sidoo kale qaatay laba qori oo AK-47 ah iyo rasaas ay lahaayeen Booliiska kaydka ah ee weerarka lagu dilay.
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku muujisay sida ay uga xun tahay weerarka, iyadoo tacsi u dirtay ehellada dadkii ku dhintay, kuna tilmaantay falkaas mid fulaynimo ah.
“Argagixisadu waa cadow caalami ah,” ayay tiri wasaaraddu, iyadoo intaas ku dartay in loo baahan yahay in si wadajir ah loola dagaallamo kooxahaas iyo cid kasta oo xiriir la leh, isla markaana aan loo oggolaan inay helaan gabbaad.