Muqdisho (Dawan)– Dhakhtar u dhashay dalka Hindiya oo ku takhasusay qalliinka maskaxda iyo neerfaha ayaa Jimcaha bilaabaya adeeg caafimaad oo saddex maalmood ah oo uu ka bixinayo Isbitaalka Dr. Sumait ee Muqdisho, iyadoo isbitaalku uu dadaal ugu jiro sidii dalka loo keeni lahaa dhakhaatiir ajnabi ah oo takhasus leh, si loo yareeyo tirada bukaannada dibadda ugu safra daaweynta.
Dr. Rajashekhar Reddy, oo ah dhakhtar sare oo ku takhasusay qalliinka maskaxda iyo laf-dhabarta kana howlgala Isbitaalka Yashoda ee magaalada Hyderabad, ayaa bukaannada qaabili doona 13-ka, 14-ka iyo 15-ka Nofeembar. Adeeggiisa ayaa loogu talagalay dadka qaba madax-xanuunka, istaroogga, burooyinka maskaxda iyo xanuunnada laf-dhabarta, oo ay ku jiraan dhibaatooyinka qoorta iyo dhabarka.
“Qof kasta oo doonaya inuu la kulmo dhakhtar ku takhasusay qalliinka maskaxda ama ka fikiraya inuu dibadda ugu safro daaweyn, wuxuu ka faa’iidaysan karaa fursaddan oo halkan ayuu iigu iman karaa,” ayuu yiri Reddy, oo leh in ka badan 20 sano oo waayo-aragnimo ah, isla markaana sheegay inuu Hindiya ku sameeyay qalliinno badan oo bukaanno Soomaaliyeed ah.
Soomaaliya ayaa sannad kasta ku bixisa ku dhowaad $260 milyan daaweynta bukaannada dibadda loo qaado, sida uu sheegay Cali Faarax, Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Dr. Sumait oo ay maamusho Jaamacadda SIMAD. Cilmi-baaris lagu soo bandhigay shir ka dhacay Muqdisho bishii hore ayaa lagu qiyaasay in Soomaalidu sannadkii 2025 ku bixiyeen $219 milyan daaweynta dibadda, iyadoo ku dhowaad 11,500 oo qof ay Hindiya oo keliya u safreen.
“Waxaan isku daynay inaan baahidaas ka jawaabno, annagoo Soomaaliya keenayna dhakhaatiirta takhasuska leh ee bukaannadu dibadda ugu safraan, iyo adeegyada isbitaallada takhasuska leh,” ayuu yiri Faarax. Wuxuu intaas ku daray in qorshahoodu yahay inay sannad kasta dalka keenaan 24 dhakhtar oo takhasusyo kala duwan leh, kuwaas oo daboolaya baahiyaha caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed.