Muqdisho (Dawan) – Midowga Yurub ayaa Soomaaliya u qoondeeyay €6 milyan ($6.7 milyan) si dalka loogu diyaariyo saameynta la filayo ee El Niño-ga 2026–2027, sida uu maanta oo Khamiis ah sheegay Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya. Maalgelintan ayaa qayb ka ah xirmo guud oo dhan €13.5 milyan ($15 milyan) oo loogu talagalay dalalka Bariga iyo Koonfurta Afrika.
Taageerada la siinayo Soomaaliya ayaa diiradda lagu saarayaa diyaarinta goobaha dadka loogu daadgureeyo marka ay fatahaaduhu dhacaan, bixinta gargaar lacageed oo degdeg ah iyo xoojinta adeegyada caafimaadka iyo nafaqada, sida lagu sheegay qoraal uu Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya ku baahiyay barta X.
Xirmada guud ee maalgelinta, oo ay 6-dii Nofeembar ku dhawaaqday Waaxda Gargaarka Bani’aadannimada ee Guddiga Yurub, waxaa sidoo kale ku jira €1 milyan ($1.1 milyan) oo midkiiba loo qoondeeyay Kenya iyo Uganda, halka €5.5 milyan ($6.1 milyan) loogu talagalay tallaabooyinka ka-hortagga ah ee Koonfurta Afrika iyo dalalka ku yaalla Badweynta Hindiya.
Guddiga Yurub ayaa sheegay in saadaasha cimiladu muujinayso suurtagalnimada in El Niño-ga soo socda uu noqdo kii ugu xoogga badnaa ee abid la diiwaangeliyo.