Muqdisho (Dawan) – Salaam Somali Bank iyo Xarunta Bixinta Adeegyada Mideysan ee HALMEEL ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, si muwaadiniintu adeegyada dowladda iyo kuwa ganacsiga uga heli karaan hal goob.
Wada-hadalladan ayaa ka dhacay xarunta HALMEEL ee Muqdisho, xilli wafdi ka socday Salaam Somali Bank uu markii labaad booqasho ku tagay xarunta. Wafdiga waxaa hoggaaminayay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee bangiga, Dr. Saciid Macallin Abuukar. Waxaa halkaas ku soo dhoweeyay Agaasimaha Guud ee HALMEEL, Maxamed Dubo, iyo ku-xigeenkiisa, Mustafa Cabdullaahi.
Labada dhinac ayaa diiradda saaray saddex arrimood oo kala ah xoojinta iskaashiga dowladda iyo hay’adaha maaliyadeed ee gaarka loo leeyahay, fududeynta helitaanka adeegyada iyo fursadaha ay bangiyada ganacsigu uga qayb qaadan karaan nidaamka mideysan ee adeeg-bixinta HALMEEL.