Ramallah (Dawan) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Falastiin ayaa cambaareysay go’aanka Somaliland ay safaarad uga sameysaneyso magaalada Qudus , iyadoo sheegtay in tallaabadaas aysan lahayn sharciyad, kana hor imaaneyso sharciga caalamiga ah.
Bayaan ay soo saartay caawa oo Isniin ah, wasaaraddu waxay ku sheegtay in tallaabo kasta oo diblomaasiyadeed oo Somaliland ka samayso Qudus ay tahay mid “baadil ah,” isla markaana aysan waxba ka beddeli karin maqaamka sharciyeed ee caalamku u aqoonsan yahay magaaladaas.
Wasaaradda ayaa sheegtay in tallaabadan ay jabineyso qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, gaar ahaan qaraarrada 476 iyo 478, kuwaas oo diidaya tallaabo kasta oo lagu beddelayo maqaamka Qudus.
Waxay sidoo kale dhaliishay aqoonsiga ay Israel siisay Somaliland, iyadoo sheegtay inay si buuxda u taageereyso madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.