Muqdisho (Dawan)- Tan iyo markii Soomaaliya loo doortay ka mid noqoshada xubnaha joogtada aan ahayn ee Golaha Ammaanka, waxaa iska soo daba dhacayay hambalyada uga imaaneysa dowladaha saaxibada la ah iyo ururada caalamiga ah ee ay xubinta ka tahay.
Soomaaliya, Pakistan, Panama, Denmark, iyo Greece ayaa shalay loo doortay in ay ka mid noqdaan Golaha Ammaanka muddoo laba sano ah oo billaabaneysa 1-da January 2025, waana marki labaad ee Soomaaliya ay ka mid noqoto Golahan.
Qaramada Midoobay
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska kaalmada ee ay Qaramada Midoobay ku leedahay Soomaaliya (UNSOM) ayaa loogu hambalyeeyay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyada oo gushan lagu tilmaamay mid ay Soomaaliya usoo martay waddo dheer.
“Soomaaliya waxay waddo dheer u soo gashey soddonkii sano ee la soo dhaafey tubteedda nabadda, barwaaqada, iyo amniga. Doorashada loo doortay kursiga Golaha Ammaanka waa mid lagu aqoonsanayo horumarkaas ay gaartay ee ammaanta mudan,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabisan Soomaaliya ee ku-simaha ah James Swan.
James Swan ayaa intaas raaciyay; " “Soomaaliya waayo-aragnimada ay leedahay ayaa ka dhigaysa mid wax-ku-biirrin karta wadatashiyada Golaha ee ku saabsan nabadda iyo amniga caalamiga ah,” ayuu raaciyay.
Urur Goboleedka IGAD