Garoowe (Dawan)- Magaalada Garoowe ee caasimadda Maamul Goboleedka Puntland waxa ay ku jirtaa maalmihii ugu mashquulka badnaa ee soo mara waayadaan.
Waxaa magaalada kusii qulqulaya Madaxda kala duwan ee Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, siyaasiyiin iyo madax hore kuwaas oo dhamaantood ka qey gelaya caleema saarka Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo shan sano oo kale sii hoggaamin doona maamulkaas.
Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guul weyn ka gaaray doorasho dadban oo 8-dii bishaan ka dhacday Garoowe ayna kula tartameen 10 musharrax oo kale.
Diyaar garoowga weyn ee ka muuqda Madaxtooyada Puntland iyo tirada siyaasiyiinta ee ka qey gelaya caleema saarka Deni, waxaa loo arkaa dhoolatus siyaasadeed oo aan noociisa horay loo arag.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu weyn madaxda ka qeyb geleysa caleema saarka Deni, inkasta oo khilaaf siyaasadeed ka dhax jiray labadooda waayadaan.