Jabuuti (Dawan) – Madaxweynaha xilka haya ee dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa mar kale ku guuleystay doorashada madaxtinimada dalkaas, kaddib markii uu helay 97.81% codadkii la dhiibtay, sida uu shaaciyyay guddiga doorashada.
Doorashadan oo dhacday Jimcihii, waxaa kula tartamay musharraxa mucaaradka, Maxamed Faarax Samatar, oo helay 2.19% codadka, taasoo muujineysa farqi weyn oo u dhexeeya labada dhinac.
Natiijada ayaa ka dhigan in Madaxweyne Geelle uu sii hoggaamin doono dalka shanta sano ee soo socota, isagoo guda galay muddo-xileedkiisa lixaad, xilli qaar ka mid ah mucaaradku ay hore ugu baaqeen in la qaadaco doorashada.
Guddiga doorashada ayaa sheegay in hawsha codbixintu u dhacday si nabad ah oo hufan, iyadoo ay ka qayb galeen ku dhawaad 80.4% dadkii is-diiwaangeliyay, taasoo muujinaysa ka-qaybgal ballaaran oo shacabka ah.


