Entebbe (Dawan) – Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa aqbalay martiqaad uu ku booqanayo Soomaaliya, sida lagu sheegay war-murtiyeed wadajir ah oo la soo saaray Isniintan maanta ah kadib wada-hadallo uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Xasan Sheekh ayaa martiqaadka u fidiyay intii lagu jiray booqasho rasmi ah oo hal maalin ah oo uu ku tagay Uganda. Waxay ahayd booqashadiisii labaad muddo bil gudaheeda ah, kadib safar uu ku tagay 26-kii October. War-murtiyeedka ayaa sheegay in martiqaadka "si farxad leh loo aqbalay, taariikhdana lagu heshiin doono kanaalada diblomaasiyadda."
Booqashadii ugu dambaysay ee la shaaciyay ee Museveni uu ku yimid Soomaaliya waxay ahayd November 2010. Xilligaas wuxuu si lama filaan ah u yimid Muqdisho, halkaas oo uu wada-hadallo la yeeshay madaxweynihii xilligaas, Shariif Sheekh Axmed.