Jabuuti (Dawan)– Wasiirka Caafimaadka Jabuuti, Axmed Roble, ayaa Arbacadii booqasho hawleed ku tagay magaalada Carta, isaga oo hoggaaminayay wafdi ka socday Wasaaradda Caafimaadka, halkaas oo uu agab caafimaad ku wareejiyay isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ee gobolka.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka dalka, si muwaadiniintu u helaan adeegyo tayo leh oo joogto ah.
Agabka la qaybiyay waxaa ka mid ahaa dawooyin, qalab caafimaad, iyo sahay kale oo muhiim u ah hawlaha caafimaadka, kuwaas oo sidoo kale la gaarsiiyay degmada Leyta ee Gobolka Carta.





