Masagawaa (Dawan) – Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa xafiisyo cusub ka furtay deegaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud, iyadoo tallaabadan lagu xoojinayo diiwaangelinta muwaadiniinta iyo diyaarinta doorashooyinka qof iyo cod.
Furitaanka xafiisyadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku ballaarinayso adeegyada dowladeed si loo gaarsiiyo bulshada ku nool deegaannada fog, loona suurtageliyo inay ka qeyb qaataan nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka.
Mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga Doorashooyinka iyo NIRA, oo ay wehliyaan xildhibaanno iyo maamulka deegaanka, ayaa sheegay in xafiisyadani ay fududeyn doonaan qaadashada kaarka aqoonsiga qaranka iyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Waxay intaas ku dareen in bulshada Masagawaa ay door muhiim ah ka qaadan doonaan doorashooyinka qof iyo cod ee la qorsheynayo, iyagoo ugu baaqay shacabka inay si firfircoon uga faa’iidaystaan fursaddan.


