Gaza (Dawan)- Hal sano ayaa laga jooga markii maanta oo kale garabka militeriga ee ururka Xamaas iyo kooxaha kale ee iskacaabintu ay weerar ku qaadeen Israel, iyaga oo dilay in ka badan 1000 qof, sidoo kalena soo qafaashay 251 kale.
Aarsi aan kala sooc lahayn
Kadib Israel waxay weerar aan kala sooc lahayn kusoo qaaday marinka Gaza, iyada oo dishay ku dhawaad 42,000 oo u badan haween iyo caruur halka 97,100 kalena ay dhaawacday.
Waxay weeraradaas ku qasbeen dadkii ku noolaa marinka Gaza inay barakacaan, iyada oo sidoo kale la saaray xannibaad dhul, bad iyo cirka ah.
Burburinta Gaza
Weerarada Israel waxay sababeen burbur aad u ballaaran, iyadoo Qaramada Midoobay ay ku qiyaastay burburka dhismayaasha burburay in ka badan 42 milyan oo tan.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in, 163,000 oo dhismo ah, oo u dhiganta saddex-meelood laba meelood dhismayaashii ka dhisnaa Gaza, dagaalka ka hor inay ku waxyeeloobeen ama la dumiyay gabi ahaanba.
Xafiiska warbaahinta ee xukuumadda Gaza ayaa sheegay in 611 masaajid iyo saddex kaniisadood la dumiyay halka 214 masaajid oo kale ay qayb ahaan waxyeello kasoo gaartay weerarrada Israel.