Hargeysa (Dawan)— Somaliland ayaa mamnuucday ka-qaybgalka hawlaha siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo sheegtay in dadka jebiya go’aankan laga qaadi doono tallaabo sharci ah. Wareegto ku taariikhaysan 28-ka Oktoobar, oo uu saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa ka-qaybgalka noocaas ah ku tilmaantay dembi ka dhan ah madax-bannaanida iyo jiritaanka Somaliland.
Mamnuucidda ayaa khusaysa dhammaan dadka kasoo jeeda Somaliland, oo ay ku jiraan mas’uuliyiinta dowladda, siyaasiyiinta, madax-dhaqameedka, aqoonyahannada, ururrada iyo qaybaha kale ee bulshada.
Wasaaraddu waxay go’aankeeda ku salaysay Xeerka Kala-xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxbannaan ee Lr. 71/2025, iyo go’aan ay labada gole ee Baarlamaanka Somaliland soo saareen 11-kii Oktoobar 2003.