Muqdisho (Dawan)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa go'aamiyey in kulamada Golaha Shacabka la hakiyo muddo laba toddobaad ah, laga bilaabo 31-ka Oktoobar 2026, si muddadaas looga faa'iideysto rakibidda iyo hirgelinta nidaamka casriga ah ee E-Parliament.
Hakinta kulamada ayaa fursad u siin doonta diyaarinta iyo casriyeynta nidaamyada farsamo ee lagama maarmaanka u ah hirgelinta barnaamijkan, kaas oo loogu talagalay in lagu horumariyo habsami-u-socodka howlaha baarlamaanka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in hirgelinta nidaamka E-Parliament ay qayb ka tahay ballanqaadyadiisii ahaa in Baarlamaanka Soomaaliya loo beddelo hannaan shaqo oo dijitaal ah, kaas oo kor u qaadaya hufnaanta, isla xisaabtanka iyo fududeynta howlaha sharci-dejinta.
Xildhibaannada oo adeegyada baarlamaanka ku heli doona hab dijitaal ah
Sida uu Guddoomiyuhu sheegay, nidaamka cusub wuxuu xildhibaannada u fududeyn doonaa inay cabashooyinkooda, codsiyadooda iyo arrimaha kale ee la xiriira shaqadooda ku gudbiyaan hab dijitaal ah, iyaga oo aan u baahnayn inay si toos ah ula xiriiraan Xoghaynta Golaha si ay u gaarsiiyaan arrimahaas.
“Waxaan idinla socodsiineynaa in kulamada Golaha Shacabka aan hakineyno muddo laba toddobaad ah, oo ka bilaabaneysa 31-ka Oktoobar 2026. Sababta ayaa ah inaan uga faa’iideysanno muddadaas rakibidda nidaamka casriyeynaya howlaha Golaha, taas oo qeyb ka ah hirgelinta nidaamka E-Parliament,” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
Maxaa laga filayaa nidaamka E-Parliament?