Dhuusamareeb (Dawan)– Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa Khamiistii magaalada Dhuusamareeb geeyay warqadaha codbixinta, sanduuqyada iyo qalabkii ugu dambeeyay ee doorashada, iyadoo ay sii socoto diyaar-garowga doorashada qof iyo cod ee Dowlad-goboleedka Galmudug oo loo qorsheeyay 30-ka Luulyo.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in qalabka la geeyay loo kala diri doono degmooyinka iyo deegaannada Galmudug ee ay doorashadu ka dhici doonto.
Waxa uu tilmaamay in doorashada laga qaban doono 240 goobood oo codbixin ah, isla markaana guddigu uu diyaar u yahay qabashada doorasho hufan oo nabadgelyo leh.
“Maanta waxaan dejinnay qalabkii ugu dambeeyay ee doorashada ka dhici doonta dhammaan deegaannada Galmudug,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka.