Jalalaqsi (Dawan)– Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed), ayaa sheegay in ugu yaraan 71 guri lagu gubay rabshadihii dhowaan ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, isagoo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka ugu baaqay inay gargaar bini'aadantinimo oo degdeg ah gaarsiiyaan dadka ay dhibaatadu saameysay.
Hadal uu ka jeediyay booqasho uu ku tagay degmada Isniintii, ayuu Daba-geed ku sheegay in mudnaanta koowaad ay tahay dib u soo celinta xasilloonida iyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, gaar ahaan korontada iyo biyaha oo hakad galay intii ay rabshaduhu socdeen.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa maamulka degmada iyo bulshada deegaanka ku dhiirrigeliyay inay iska kaashadaan dib u soo celinta amniga iyo adeegyada dadweynaha, isagoo sidoo kale ugu baaqay odayaasha dhaqanka, haweenka, ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada inay garab istaagaan dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo dib u dhiska kalsoonida bulshada.