Doha (Dawan)– Wasiirka Isgaarsiinta Jabuuti, Maxamed Cabdulqaadir Muuse, ayaa Arbacadii shirka ugu sarreeya ee Ururka Isgaarsiinta Adduunka (ITU) ka shaaciyay mudnaanta dalkiisa ee dhinaca dhijitaalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin amniga internetka, isku-xirnaanta, ilaalinta kaabayaasha muhiimka ah iyo maamulidda garaadka macmalka ah si mas’uuliyad leh, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Dowladda Jabuuti ee ADI.
Wasiirka oo ka hadlayay Shirka Ergooyinka Awoodda Buuxda leh ee ITU (PP-26), oo ka furmay magaalada Doha ee dalka Qatar, ayaa sheegay in Jabuuti ay ka go’an tahay hirgelinta isbeddel dhijitaal ah oo loo dhan yahay, madax-bannaan, isla markaana adkeysi leh, kaas oo waafaqsan qorshaha qaran ee Jabuuti Vision 2035, sida ay sheegtay ADI.
“Madax-bannaanida dhijitaalku waxay hadda tahay arrin istiraatiiji ah oo muhiim ah,” ayuu ku qoray qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, isagoo intaas ku daray inay tahay arrin “go’aamisa madaxbannaanida dalalka, awooddooda tartan iyo kartidooda ay si buuxda ugu maamuli karaan mustaqbalkooda.”