Muqdisho (Dawan)– Shan boqol oo arday ayaa sannadkan u fariistay imtixaanka deeqaha waxbarasho ee Jaamacadda Hormuud, iyadoo 10-ka arday ee natiijooyinka ugu sarreeya ka keena imtixaanka ay heli doonaan deeqahaas, sida ay sheegtay jaamacaddu. Deeqaha ayaa ardayda ku guuleysata u suurtagelinaya inay ugu yaraan $6,000 ka badbaadiyaan kharashka waxbarashada jaamacadda.
“Fursaddan deeqda waxbarasho waxay iiga dhigan tahay inaanan culays dhaqaale saarin qoyskayga, isla markaana aan ka faa’iidaysto fursaddan,” ayuu yiri Cabdikariin Cabdiraxiin, oo ka mid ah ardayda u tartamaysa deeqaha.
Jaamacaddu waxay sheegtay in barnaamijkan deeqaha waxbarasho uu ku dhisan yahay mabda’a ah in arday kasta oo awooda inuu bixiyo kharashka waxbarashada uu qayb ka qaato maalgelinta waxbarashada ardayda aan awoodin inay iska bixiyaan.