Muqdisho (Dawan) – Wasaaradda Amniga Gudaha ee Soomaaliya ayaa bilowday qaabaynta nidaam casri ah oo mideynaya xogta amniga ee Booliska, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo hay’ado kale, iyadoo sheegtay in nidaamku buuxin doono dulduleellada ka jira warbixinnada amniga.
“Waxaa jira dulduleello dhanka warbixinnada ah. Taasi waa sababta aan u qabannay shirkan maanta, si aan u buuxinno dulduleelladaas, uguna shaqayno nidaam sugan oo lagu kalsoonaan karo,” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Maxamed Shire. Wuxuu hadalkan ka sheegay aqoon-is-weydaarsi soconaya laba maalmood oo uu Arbacadii ka furay Muqdisho, kaas oo lagu qaabaynayo nidaamka cusub.
Nidaamka oo loo yaqaan Xarunta Falanqaynta Xogta (DAC) ayaa beddeli doona hababkii hore ee xogta loogu kaydin jiray faylalka gacanta. Waxa uu mideyn doonaa xogta amniga ee booliska, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo NISA, si looga soo saaro warbixinno loo gudbiyo Golaha Wasiirrada, hay’adaha dowladda iyo shacabka, ayuu sheegay Shire.
“Soomaalidu waxay tiraahdaa: ‘Xog helaa talo hela.’ Haddii aadan xog haysan, way adag tahay in hawlgallo la fuliyo, xog dheeraad ah la helo ama go’aanno masiiri ah la gaaro,” ayuu yiri. Shire ayaa sheegay in amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka uu si weyn u soo hagaagay muddooyinkii dambe, taas oo uu ku tilmaamay natiijo ka dhalatay dadaallada dowladda federaalka iyo hay’adaha amniga.