Muqdisho (Dawan)- Socdaalka Maraakiibta marta Badda Cas ayaa hoos u dhacay 20% bishii December 2023, iyada oo shirkadaha Maraakiibtu ay hakiyeen howlahooda ama ay u weeciyeen isticmaalka dariiqii taarikhiga ahaa ee Rajada Wanaagsan ka dib markii kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ay weerareen Maraakiibta ganacsi ee xiriirka la leh Israel.
Kooxda Xuutiyiinta ee taageerada ka hesha Iran magaceeda rasmigana uu yahay Ansaar Allah ayaa aad u kordhisay ka qeyb qaadashadeeda dagaalka ka socda Marinka Gaza.
Kooxda ayaa ku hanjabtay in ay weerari doonto dhammaan Maraakiibta ku sii jeeda Israel ee ku sugan Badda Cas oo ka mid ah marinka ugu muhiimsan dunida ee ay maraan shixnadaha shidaalka, si ay taageero ugu muujiso Falastiiniyiinta ay Isarel ku go'doomisay Gaza
Dhowr shirkadood oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn caalamka ee qaada Konteenarada ayaa hakiyay howlihii ay ka hayeen Gobolka.
Xog ay Wakaaladda Anadolu ka heshay Marine Traffic, oo ah shirkad qaabilsan la socodka Maraakiibta iyo arrimaha Badda, waxey muujineysa in weeraradii Xuutiyiintu ay hoos u dhigeen socodka Maraakiibta, gaar ahaan qeybti labaad ee bishii December 2023, kadib markii ay shirkado badan go’aansadeen in ay joojiyaan howlihii ay ka wadeen Badda Cas.
Arrinta ugu saameynta badan ee ku timid isu socodka Badda Cas ayaa ah in Maraakiibtii qaadeysay Konteenarada ay joojiyeen isticmaalka Badda Cas, islamarkaana ay u weeciyeen dhanka dariiqii taarikhiga ahaa ee Rajada Wanaagsan.
Marka la eego xogta Marine Traffic, tirada Maraakiibta konteenarada ee maray Badda Cas bishii Decemeber 2023 ayaa hoos u dhacday 25% marka la barbar dhigo tirada Maraakiibta ee December 2022.
Maraakiibta xamuulka ayaa 40% uga timaada Israel dibadda iyada oo ay tirada Maraakiibta kusoo xiratay dekadaha Israel ay hoos u dhacday 11% bishii November iyo 16% bishii December sannadkii 2023.
Shirkadda Evergreen ee qaada xamuulka lagana leeyahay Taiwan iyo OOCL ee fadhigeedu yahay Hong Kong ayaa hakiyay in ay xamuul geeyaan dekedaha Israel halka Maersk iyo MSC ay dib u bilaabeen adeegyadii ay u qaadi jireen Israel.
Ka dib markii mid ka mid ah Maraakiibteeda ay weerareen Xuutiyiintu, Shirkadda Maersk waxa ay ku dhawaaqday 5-tii January, in ay go'aansatay in dhammaan Maraakiibteeda isaga gudba Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed in ay u weeciso aagga Koonfureed ee dariiqa Rajada Wanaagsan.
Ioannis Papadimitriou, oo ah falanqeeye sare oo dhinaca xamuulka ah kana tirsan shirkadda Vortexa, ayaa u sheegay wariyaha Anadolu in tirada Maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee mara Marinka Babul Mandab ay hoos u dhacday in ka badan 15% qeybtii labaad ee December 2023 marka loo eego qeybtii hore .
Papadimitriou waxa uu sheegay in isu socodka Marinka Suez Canal iyo Babul Mandab ay sare u kaceen bishii December 2023 marka la barbar dhigo sanadkii hore taasina ay tahay mid iska caadi ah oo ay ugu wacan tahay isbadalka ku yimid wadooyinka ganacsiga kadib cunaqabatayntii ay Midowga Yurub iyo wadamada G7 ay kusoo rogeen Ruushka.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay in xoogaa hoos u dhac ah lagu arkay socodka Markiibta qeybtii hore iyo qeybtii labaad ee December 2023.
Ku dhawaad 12% ganacsiga dunidu waxa uu maraa kanaalka Suweys,iyada oo in ka badan 50 markab ay ka gudbaan kanaalka maalin kasta,kuwaas oo sida badeecadu ku kacaya ku dhawaad 10 bilyan oo dollar oo kala a socda Waqooyiga Yurub, Mediterranean-ka iyo xeebaha Bari ee Waqooyiga Ameerika.