Muqdisho (Dawan) – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya iyo hay’adda Qatar Charity ayaa Jimcihii magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis iskaashi oo lagu hirgelinayo 39 mashruuc oo caafimaad, kuwaas oo qiimahoodu ka badan yahay 5.3 milyan oo Riyaalka Qadar ah (qiyaastii 1.46 milyan oo Doollarka Mareykanka ah). Mashaariicdan ayaa la filayaa inay ka faa’iideystaan in ka badan 36 kun oo qof oo Soomaaliyeed inta lagu jiro sannadka 2026.
Munaasabadda saxiixa heshiiska waxaa ka qeyb galay Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, Ku-xigeenka Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socday Qatar Charity iyo Wasaaradda Caafimaadka, iyo marti sharaf kale.
Agaasimaha Xafiiska Qatar Charity ee Soomaaliya, Ibraahim Cabdiraxmaan Janaaxi, ayaa sheegay in mashaariicda cusub ay diiradda saari doonaan daaweynta nafaqo-darrada, daryeelka carruurta qaba xanuunnada wadnaha, qalliinnada biyaha indhaha (cataract), iyo daaweynta cudurrada daba-dheeraada.
“Inta lagu jiro sannadka 2026, waxaa la maalgeliyay 39 mashruuc oo caafimaad oo qiimahoodu ka badan yahay 5.3 milyan oo Riyaalka Qadar ah, waxaana Inshaa Allaah ka faa’iideysan doona in ka badan 36 kun oo qof oo Soomaaliyeed,” ayuu yiri Janaaxi.
Wuxuu intaas ku daray in Qatar Charity ay sii wadi doonto hirgelinta barnaamijyo caafimaad oo takhasus leh, kuwaas oo loogu talagalay in lagu horumariyo tayada adeegyada caafimaadka, lana ballaariyo gaarsiinta adeegyada bulshada nugul.