Jabuuti (Dawan) — In ka badan 200 qof, oo badankoodu yihiin ajaanib, ayaa Talaadadii lagu xiray howlgal amni oo ay ciidamada faragelinta ee Booliska Qaranka Jabuuti ka sameeyeen caasimadda, xilli dowladda ay kordhisay tallaabooyinka lagu sugayo amniga goobaha dadweynaha.
Booliska ayaa sheegay in howlgalka dhacay uu qeyb ka yahay qorshe lagu xoojinayo amniga, kaas oo laga jawaabayo rabshado iyo qalalaase dhowaan ka dhacay goobo dadweyne oo ku yaalla magaalada.
Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale kordhiyay joogitaankooda xaafadaha kala duwan ee caasimadda, iyadoo howlgallo gaar ah laga fulinayo goobaha ay ciidamada u arkaan inay xasaasi yihiin.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Booliska, goobahaasi waxaa laga hirgeliyay joogitaan amni oo 24 saacadood ah, toddobada maalmood ee toddobaadka, si looga hortago falal kale oo amni-darro ah.