Jabuuti (Dawan)- Shirkii shanaad ee Guddiga dhaqaalaha Turkiga iyo Jabuuti ayaa Isniinti (shalay) qabsoomay, iyada oo ay shir gudoomiyeen Wasiirka Gaadiidka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Turkiga Cabdulqaadir Uraloğlu iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.
Kulanka oo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Jabuuti, ayuu Wasiirka Gaadiidka Turkigu tilmaamay horumraka laga gaaray iskaashiga labada Dowladood tan iyo markii ay is dhaafsadeen furitaanka safaaradaha oo laga joogo muddo toban sano ah.
Wasiirka ayaa sheegay in isweydaarisaga ganacsiga ee labada dal inuu gaaray $500 milyan, isagoo carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in lasii kordhiyo mustaqbalka dhaw.
Wasiir Uraloğlu ayaa iftiimiyay muhiimadda ay leedahay goobta juquraafiga ah ee Turkiga iyo fursadda uga bannaan Jabuuti, waxa uuna yiri " Waxaan xiriir la leenahay wadamo badan oo caalamka ah. Diyaarada Turkish Airlines ayaa duulimaad ku tagtaa 130 wadan iyo 343 goobood. Tani waxay sidoo kale fursad muhiim ah u tahay Jabuuti oo uga faa'iideysan karta in ay caalamka u furanto"