Jabuuti, 25 Febraayo 2026 (Dawam)– Booliska Jabuuti ayaa xiray nin lagu tuhmayo inuu ka ganacsado daroogada kaasoo bartilmaameedsanayay ardayda ku sugan caasimadda, sida ay mas’uuliyiintu sheegeen maalintii Talaadada.
Xiritaankan ayaa qeyb ka ah howlgal ballaaran oo looga hortagayo dambiyada ka dhaca agagaarka goobaha waxbarashada.
Eedaysanaha ayaa lagu qabtay xaafadda Gabode 4, isagoo ku guda jira qaybinta maandooriye,halkaasoo uu dalabaadka kaga qaadan jiray ardayda taleefanka ka hor inta uusan daroogada si toos ah ugu geyn.
Laba ka mid ah macaamiishiisii ayaa sidoo kale xabsiga loo taxaabay, intii uu socday howlgalkaana waxaa la qabtay xaddi aan la cayimin oo maandooriye ah iyo lacag caddaan ah.






