Jabuuti (Dawan) – Dowladda Jabuuti, oo kaashaneysa Urur Goboleedka IGAD, Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), Midowga Yurub iyo hay’ado kale, ayaa Isniintii shir heer sare ah ku qabatay magaalada Tadjourah si looga wada hadlo maaraynta tahriibka sharci darrada ah ee maraya waddada Bariga, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti.
Shirkan, oo soconaya 27 ilaa 30-ka Abriil 2026, ayaa waxaa ka qeyb galaya khubaro farsamo oo ka kala socota dalalka xubnaha ka ah IGAD, hay’adaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah, iyadoo ujeeddadu tahay xoojinta iskaashiga gobolka si wax looga qabto dhibaatada tahriibka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti, Saciid Nuux Xasan, oo sidoo kale ah ku-simaha guddoomiyaha IGAD ayaa carrabka ku adkeeyay baaxadda iyo degdegga xaaladda, isagoo xusay in waddada Bariga ay tahay mid si weyn loo adeegsado balse aad u khatar badan, halkaas oo muhaajiriintu la kulmaan rabshado iyo ganacsi sharci darro ah.
Wasiirka ayaa ku baaqay in la qaado tallaabo mideysan oo lagu ilaalinayo muhaajiriinta laguna burburinayo shabakadaha dambiyada, isagoo sidoo kale tilmaamay caqabadaha gaarka ah ee Jabuuti ka haysta mowqifkeeda juqraafiyeed, isla markaana codsaday taageero dheeraad ah si loo xoojiyo kaabayaasha iyo awoodda lagu maareeyo muhaajiriinta.


