Jabuuti (Dawan) – Dowladda Jabuuti ayaa qorsheyneysa in taariikhda Afrika lagu daro manhajka waxbarashada qaranka, xilli dalkaasi uu martigeliyay kulan aqoon isweydaarsi oo looga hadlay sidii taariikhda qaaradda loogu dari lahaa manhajka waxbarashada, kaasoo ay iska kaashanayeen UNESCO iyo dowladda Jabuuti.
Wasiirka Waxbarashada iyo Tababarka Xirfadaha Jabuuti, Mustafe Maxamed Maxamuud, iyo xubno kale oo ka tirsan waaxda waxbarashada ayaa ka soo qeyb galay kulanka. Aqoon isweydaarsigan ayaa qeyb ka ah dadaallada Jabuuti ee dib-u-soo nooleynta taariikhda Afrika iyo sidii loogu dari lahaa manhajka waxbarashada dalka.
Ujeedada ugu weyn ee barnaamijkan waa in la dhiso faham qoto dheer oo ku saabsan is-dhax galka Afrika, gaar ahaan dhinacyada dhaqanka iyo taariikhda qaaradda.
Sidoo kale, waxaa la doonayaa in la xoojiyo awoodda macallimiinta iyo kormeerayaasha waxbarashada si si hufan loogu daro taariikhda Afrika manhajyada dalka.






