Jabuuti (Dawan)— Kastamka Jabuuti ayaa Axaddii bilaabay wejiga labaad ee tababar lagu xoojinayo aqoonta saraakiishiisa ee xeerarka lagu xaqiijiyo dalalka ay badeecaduhu ka soo jeedaan. Tababarka, oo ka socda hoteelka Ayla ee magaalada Jabuuti, ayaa yimid sannad kaddib markii la soo gabagabeeyey wejigii koowaad. Waxaa ka qaybgalaya ku dhowaad 20 shaqaale oo ka tirsan Kastamka Jabuuti, wuxuuna soconayaa ilaa Khamiista.
Midowga Yurub ayaa taageeraya tababarka, halka laba khabiir oo ka socda Ururka Kastamyada Adduunka (WCO) ay bixinayaan casharrada farsamada. Xeerarka asalka badeecadaha ayaa lagu go’aamiyaa waddanka lagu soo saaray badeecad ama lagu sameeyey wax-soo-saarkeedii ugu muhiimsanaa. Waxay door muhiim ah ka ciyaaraan nidaaminta ganacsiga iyo hirgelinta heshiisyada caalamiga ah.
Marka badeecaddu buuxiso shuruudaha ku xusan heshiis ganacsi, xeerarkan ayaa suuragelin kara in laga dhimo ama gebi ahaanba laga dhaafo canshuuraha kastamka. Sidaas darteed, xaqiijinta saxda ah ee asalka badeecaduhu waxay muhiim u tahay fududeynta ganacsiga iyo ka hortagga in si khaldan looga faa’iideysto canshuur-dhaafka.