Soomaaliya, 17 Maarso 2026 (Dawan)— Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya ayaa Isniintii soo saartay awaamiir rasmi ah oo waajibinaysa in dhammaan bixiyeyaasha adeegyada dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay dhaqangeliyaan adeegsiga Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee ay soo saarto Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA).
Xeerkan, oo dhaqan gelaya 17-ka Maarso 2026, ayaa faraya in hay’adaha kala duwan ay ku xaqiijiyaan aqoonsiga muwaadiniinta iyaga oo adeegsanaya Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee federaalka. Amarkan ayaa si gaar ah u khuseeya shirkadaha isgaarsiinta, bangiyada ganacsiga iyo hay’adaha dowladda ee ka hawlgala maamulka.
Awaamiirta ayaa waafaqsan siyaasadda federaalka, iyada oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore u waajibisay adeegsiga aqoonsiga NIRA marka la helayo adeegyada muhiimka ah ee dowladda, sida soo saarista baasaboorka, laysinka darawalnimada iyo diiwaangelinta gawaarida.








