Muqdisho (Dawan)— Madaxda sare ee Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shir ay xalay ku yeesheen magaalada Muqdisho ku go’aamiyay inay u hoggaansamaan xukunka Maxkamadda Sare ee lagu laalay natiijadii doorashada Galmudug, isla markaana ay oggolaadaan in dib loo qabto doorashada golayaasha deegaanka iyo Golaha Wakiillada.
Mas’uuliyiin ka qaybgalay kulanka oo la hadlay Dawan ayaa sheegay in madaxda JSP ay isla qaateen inaan laga hor imaan go’aanka Maxkamadda Sare, lana taageero qabashada doorasho cusub oo waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda doorashooyinka dalka.
Ilo-wareedyada ayaa sidoo kale Dawan u xaqiijiyay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu goob joog ka ahaa kulanka, kaas oo looga hadlay saamaynta siyaasadeed iyo sharci ee ka dhalan karta laalidda natiijadii doorashada.
Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa 24-kii Agoosto 2026 laashay natiijadii doorashooyinka isku-sidkanaa ee Golaha Wakiillada iyo golayaasha deegaanka Galmudug, kuwaas oo la qabtay 30-kii Luulyo 2026.